Zahra AhmedAdditional Languages Spoken: Dutch and Somali
Zahra Ahmed waa garyaqanad somaliyeed oo u shaqaysa shirkada la yiraahdo Levenes Solicitors qeybteeda qaabilsan dhaawacyada shaqsiyada kusoo gaara tusaale ahaan wadooyinka & goobaha shaqada.
Zahra waxay ka qalinjabisay jaamacad la yiraahdo Westminster, iyadoo ku taqatustay sharciyada. Waqtigan la joogo Zahra waxay waxbarasho dheeraad ah oo qaabilsan sharciyada ka wadataa College of Law.
Zahra waxay shirkadan la yiraahdo Levenes Solicitors ka shaqaynaysay 3dii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo qaabilsan iney magdhaw usoo dhiciso dadka ku dhaawacma ama ehelada dadka ku dhinta shilalka wadooyinka, shilalka goobaha shaqada I.W.M.
Zahra waxay si weyn udanaysaa iney caawiso bulshada ubaahan latalin xaga sharciyada ah, siiba dadweynaha soomaliyeed ee ku dhaqan wadankan ingiriiska.
Dadka ey caawisay Zahra waxa ka mid ah wiilyar ee uu gaari ku jiirey magalada London, iyadoo usoo dhicisay magdhaw dhan £12,500.
Waqtiga eey firaaqada leedahay, Zahra waxay jeceshahay iney la qaadato familkeeda iyo asxaabteeda.
Go Back
|