|
Weli dhaawac shil ama dhibaato dagaal ma ku soo gaadhay?
Xeel-dheerayaashayadu waxay diyaar u yihiin in ay ku matalaan iyaga oo ku shaqaynaya ‘guul la’aan, lacag la’aan’. Waxaad heleysaa 100% xaqaaaga iyada oo aanad waxna bixinaynin, waxna lagaa goosanaynin, sababtoo ah kharajkayaga waxa aanu ka doonan doonaa qolada kale.
Waxaanu ku xeel-dheernahay u doodista dadka dhawacyadu soo gaadhaan. Waxaanu ku guulaysanaa sanad walba kumanaan kiis oo ay leeyihiin macaamiishayada ku kala nool dalka gudihiisa iyo dabadiisaba, iyaga oo helay xuquuuqdoodi inta u dhaxaysa £1,000 ilaa £1,000,000. *
Kiiskaaga waxa gacanta ku haynaya aqoonyahan naga mid ah oo ku hadla afkaaga, iyada oo uu kala hawl gali doono gar-yaqaankayaga guud. Waxaanu diyaar u nahay in aanu kugu soo booqano gurigaaga, xafiiskaaga iyo dhakhtarkaba.
Hadii aad doonayso in aad hadda kiiskaaga furto, fadlan riix halkan; la xidhiidh; ama ku hadal telephonkayaga lacag la’aanta ah oo waydiiso in aad la hadashid Zahra Ahmed ama Fatima Ali 07887 951 480
Hawlaha aanu qabano waxa ka mid ah kuwa ku saabsan:
-
Shilalka ka dhaca wadoonyinka (wadaha baabuurka, rakaabka, qofka wadada ka gudbaya, shilka baabuur, shil baaskiil, shil moto, iyada oo ay ku jirto shilka uu ka mas’uulka yahay baabuur-wadaha aan ku jirin caymiska ama raad-raac loo waayo.
-
Shilalka gaadiidka (basaska, tareenada, diyaaradaha iyo doonyaha.
-
Shilalka ka dhaca goobaha shaqada sida (goobaha dhismuhu ka socdo, warshadaha, bakhaarada, beeraha, tukaamada, xafiisyada iyo wixii la xidhiidha intaa).
-
Xanuunada laga qaado warshadaha.
-
Ama hadii aad kufto/taranturooto/sibxato adigoo meel maraya.
-
Ama uu dhaawac ku geesto shaqsi kale ama kuu gacan qaado (Criminal Injuries Compensation Authority) claims.
-
Dhaawacyada la xidhiidha caruurta.
-
Ama aad soo iibsato alaabo qaliban/haleysan (defective or dangerous products) iyo cuno haleysan.
-
Dhaawacyo kaa soo gaadhay lafta dhabarka, maskaxda iyo halis naftaada soo gaadha
-
Shilalka dhimashada.
Hawlaha aanu qabano waxa kaloo ka mid ah sharciga Shaqaalaha, Waxbarashada, Dadka baahida gaarka ah leh iyo Eedaysanayaasha lagu soo oogey danbiyada. Hawlahaa waxaanu inta badan ku qabanaynaa ‘guul laa’an, lacag la’aan’ ama Legal Aid hadii ey suurto gal tahay.
Waxan hoos tagnaa Solicitors Regulation Authority, sidoo kale waxan ka nahay xubin Law Society's Personal Injury accreditation scheme. Ugu danbeyntii waxan leenahay Legal Services Commission's Specialist Quality Mark.
*Marka laga reebo dacwooyinka lagu qadayo wadayaasha gawarida la waayo ama dacwooyinka kusaabsan dhawacyada ey geystan shaqsiyadka oo aan ku hishiino in percentage laga gooyo magdhawdada hadii aad guuleysato.
|